Wararka
Waiirka maaliayadda oo xafiskiisa ku qabilay wafdi kasocday dowlada Norway.

wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku qaabilay wafdi ka socday dowlada Norway.
Wasiirka ayaa wafdigaan kala hadlay horumarka Maaliyadda Dalka iyo kor u qaadistay wada-shaqaybta dowlada Norway iyo dowlada federaalka iyo sida ay dowlada Norway ugu qayb qaadan karto arrimaha deyn cafinta ee ay xukuumada Soomaaliya ku howlan tahay.
“Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweynay Wafdi ka socday Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Norway. Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda Dalka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee nagala dhaxeysa Norway” ayuu yiri wasiir Bayle.