Wararka

Wafdiga ka socday Beesha Caalamka oo Ahmed Madoobe u gudbiyay in wax ka badal lagu sameeyo  jadwalka doorashada.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland Gaaray wafdi kasocday Beesha Caalamka oo  isugu jiro xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Wafdigaan oo Xarunta Madaxtooyada Jubbaland kulan kula yeeshay madaxweynaha Jubbaland oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga ayaa waxaa ay kawada hadleen hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale masuuliyiinta uu kulanka la qaatay waxaa uu kala hadlay sidii fursad loo siin lahaa musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uu u sheegay in uusan isaga sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Image may contain: 2 people, indoorImage may contain: 2 people, people standing, wedding, suit and indoorImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sitting and weddingImage may contain: 3 people, people sitting and tableImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sitting and beardImage may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close