Wararka
Wafdiga Aqalka Sare ee uu hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare oo Mugdisho dib ugu soo laabtay.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi balaadhan oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaadala Mugdisho ee caasimada dalka.
Wafdigaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland halkaas oo ay ugu qayb galeen sanad guuradii 21-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa intii uu ka qayb galaayay xaflada sanad guuradii 21-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii Puntland 1-da Agost 1998-dii waxaa uu jeediyay Khudbad dhinacya badan taabanayso isagoo dowlada Puntland ka codsaday in ay ka qayb qaataan nidaabka Federaalism-ka ee dalka laga wado in lagu dhaqo.