Wararka
Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismayo.

Magaalada Kismayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland waxaa Goordhaw gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaana garoonka diyaaradaha ee Sayid Mohamed Abdulla Hassan Kusoo dhaweeeyay masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islam Ahmed Madoobe iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Kismayo.
Madaxweynaha yaasha labada dowlad Goboleedka ee Jubbaland iyo Puntland ayaa Gudaha garoonka ku qabtay shir jiraa’id oo ay kaga hadleen safarka madaxweyne Deni iyo arrimo la xeriira xaaladaha dalka uu ku jiro.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhaweynta kadib isaga iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyay guriga Martida Jubbaland.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa magaalada Kismayo u tagay sidii uu ugu qayb gali lahaa xaflada caleema saarka madaxweynaha dowlad Gobeedka Jubbland Ahmed Mohamed Islam.