Wararka
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad Maxamuud Sayyid Aadan ee Jubbaland oo gaaray degmada Ceelwaaq.
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana degmada ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Gedo iyo maamulka degmada Ceelwaaq.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa saaka ah kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo dalka Kenya ugu maqnaa shaqo.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa inta uu jooga degmada Ceelwaaq waxaa uu kulama kala duwan layeelan doonaa bulshada qaybaheeda kala duwan isagoo soo indha-indheen doona xaaladda deegaanka sidookale waxaa uu mas’uuliyiinta degmada ka dhagaysan doonaa baahiyaha dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Ceelwaaq.