Wararka
Wafdi sare oo kasocda Qaramada Midoobe oo soo gaaray dalka.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka ee xukuumada federaalka Soomaaliya DeqaYasin ayaa maanta caasimada dalka ee Muqdisho kusoo dhaweysay Madax sare oo ka kala socota Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika.
soo dhaweynta wafdigaan ka socda xafiisyada kala duwan ee Qaramada Midoobe waxaa wasiirka ku wehlinaayay Ergayga gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo masuuliyiin kale.
Wafdigaan oo ay hogaaminaysay ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe marwo Amina Mohammed ayaa kadib soo dhaweyntooda waxaa loo gudbiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha kalkaas oo ay kulan kula qaateen Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khare.
Wafdigaan ayaa Inta ay ku suganyihiin dalka waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta ugu sarayso dalka iyagoo kala hadlidoona arrima la xeriiro horumarinta bulshada ka qayb galinta haweenka arrimaha siyaasadda iyo shaqa abuurka dhalinyarada.