Wararka
Wafdi ka socday dowlad Goboleedka Puntland oo gaaray Gobolka Gardfue.

Waxaa Lagusoo Dhaweeyay Magaalada xaabo ee Gobolka Gardfue Wafdi Uu Hogaaminaayo Wasiir Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawlad goboleedka Puntland Maxamed Axmed Kulan.
Safarka Wasiiru-Dowlaha ayaa waxaa ku weheliyey Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Dr Muuse Saalax Guuleed iyo Masuuliyiin Kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Degmada Xaabo.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Gobolka Gardafue ayaa halkaas u jooga sidii ugu kuur geli lahaa xaaladda guud ee Gobolka Gardafue, Wasiiru-Dowlaha ayaa muddada uu ku sugan yahay Gobolka wuxuu shirar iyo la tashiyo la samayn Doonaa Waxgaraddka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka.