Wararka
Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ee deegan doorashadooda tahay Jubbaland.
Wafdi uu hogaaminaayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbland ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Wafdigan ayaa Jubbaland u tagay sidii ay u indha-indheen lahayeen sida ay u socota Diyaar Garoowga Doorashada laguwa in ay dhamaadka bishaan ka qabsoonta Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ayna shalay kulan is-xog waraysi ah la qaateen Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islam, Guddoonka Golaha Wakiilada Jubbaland iyo Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Doorashada dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa bishaan siddeedaad dhexdeeda lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Kismayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland iyadoo hadda ay meel wacan marayso xulista xildhibaanada labaad ee ay yeelan doonta dowlad Goboleedka Jubbaland sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka Jubbaland.