Wararka

Wafdi ka socda labada Gole ee dowlad goboleedka Puntland oo gaaray Degmada Galdogob.

Wafdi ka socday Labada gole ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta gaaray Degmada Galdogob Gobolka Mudug waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta degmada Galdogob.

Wafdiga  maanta gaaray degmada Galdogob waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga Cabdulaahi Cabdi xirsi,Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi, Wasiirku xigeenka Caafimaadka Cabdi Naasir Yuusuf Xirsi, Xildhibaan Cabdi wali Yuusuf Dirir, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaacil Cabdi nuur geesay, Agaasimaha guud Wasaaradda Ganacsiga Cabdi samad Maxamed iyo Agaasimaha Fayodhorka Puntland Asad Cismaan Nuux.

Masuuliyiinta labada gole ee Dawladda Puntland safer kooda degmada galdogob ayaa qayb ka ahaa sidii horumar looga samayn lahaa Kastamka Tuurdibi ee Puntland iyo itobiya

Kulan ay si wadajir ah uyeesheen Masuuliyiinta labada gole, Maamulka degmada Galdogob iyo Odayaasha dhaqan ayaa madaxda dowlad goboleedka Puntland  waxa ay Bulshada reer galdogob xog dheeraad ah ka siiyeen Kastamka Tuurdibi kana cod sadeen sidii Puntland gacan uga helilahayd hirgalinta Kastamka.

Odayaasha dhaqanka ayaa Madaxda dowlad goboleedka Puntland u balan qaaday in ay garab istaagi doonaan hirgalinta Kastamka Tuurdibi ayna ka faa’idaysan doonaan.Image may contain: car, sky, tree and outdoorImage may contain: 4 peopleImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: sky, car, tree and outdoorImage may contain: 3 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close