Wararka
Wafdi ka Socda Golaha Amniga ee Midowga Afrika oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
Wafdi ka Socda Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Masuuliyin ka tirsan dowlada oo uu qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye ayaa garoonka Aden Cadde ku soo dhaweeyay ,Xubnahan.
Wafdi ka Socda Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa inta ay joogaan muqdisho waxa ay kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiinta DFS.