Wararka
Wasiir Bayle oo kulan xafiiskiisa kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banadir.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xarunta Wasaaradda maaliyadda kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay inisaga iyo Guddoomiyaha ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.
“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.