Wararka
Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya iyo Jabuuti oo gaary Baydhabo.
Waxa Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed koordhaw gaaray wafdi ay hoggaaminiyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Somaaliya Amb.Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha Barlamanka Jabbuuti Maxamed Cali.
Wafdigaan waxaa qayb ka ahaa Xubno ka Tirsan Labada Dowladood waxaana si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Cabduqadir Shariif Sheekhuna maye ,Wasiiro ,Xildhibaano, Mamulka Gobolka Baay , kan degmada Baydhabo iyo Boqolaal Shacabka Reer Baydhabo ayaa kuso dhoweyey Wafdiga Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Airport ee Magalaada Baydhabo .
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Soomaliya Maxamed mursal Shekh Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey Shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soo Dhoweynta ay usameeyen Waxaana uu Tilmaamay in Safarkooda uu yahay Arimo Shaqo ujeedka Gudoomiyaha Barlamanka Jabuuti uu yahay ka Qeybgalka Furitaanka kala fadhiga Barlamanka Soomaliya kaasi oo lagu wado inuu furmo Maalinta carbacada ah.