Wararka
Wafdi ka socda dowlada oo gaaray Deegaanada Ay Ka Soo Baxeen Ciidamada Dowladda.
Wafdi balaadhan uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaan, Wasiiro iyo Taliyeyaal Ciidan ayaa la kulmay Ciidankii kasoo baxay degaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe.
U jeedada halkaas loogu diray wefdigaan wasiirada ah waxa ay tahay in ay la kulmaan saraakiisha iyo ciidamada soo baneeyay furumaha dagaalka ee degmooyinka Mahadaay Balcad si ay waxa uga ogaadaan arrinta ku aadan cabashada dhinaca mushaaraadka ah ee ay qabaan.
Saakay ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Somalia ay iskaga soobaxeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano hoostaga Balcad ee gobalka Sh/dhexe
Kulankaan ayaa ka dhacay xero Ciidan oo ku taalla degmada Balcad, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidanka soo Gadooday.
Ciidankaan ayaa maanta kasoo baxay degaano ka mid ah Shabeellaha Dhexe, waxaana dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u dirtay Wafdiggaan si loo dhameeyo Xaaladda.
Ciidanka maanta soo gaaray Balcad ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxaana la sheegay in ay yihiin Ciidan xooggan.