Wararka
Wafdi Ballaaran Oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo Gaarey Degmada Marka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose iyo wafdi uu hoggaaaminaayo ayaa maanta gaaray Degmada Marka ee Xaruunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ibrahim Aadan Cali Najax Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa socdaalkaan kuwehlinaayay dhamaan ku xigeenadiisa Gobolka Shabeellada Hoose iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabadiqadir Ahmed (Yusuf baraawe) waxaana markii ay gaareen Magaalada Marka soo dhaweyn ballaaran u sameeyay maamulka Magaalada Marka.
Aadan Cali Najax Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ujeedka safarka isaga iyo wafdigiisa ay tahay sidii ay u dhiiragalin lahayeen Maamulka iyo hay’addaha amniga ee ka shaqeeyo degmada Marka iyo sidii ay u kormeeri lahayeen mashaariic dhawaan laga hirgaliyay degmadaasi.