Wararka
Waare oo gaaray Galmudug.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray Caasimada Dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusa-mareeb.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye Qoor Qoor ayaa madaxweyne Waare ku soo dhaweeyay Dhuusa-mareeb waxaa uuna sheegay in imaatanka madaxweyne Waare uu salka ku haayo kulanka ay madaxda maamul goboleedyada ku yeelan doonaan Galmudug.
“Waxaan Maanta Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb ku soo dhaweyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane, Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hogaaminaayo. Imaatinkaan ayaa qeyb ka ah casuumaada Dowladaha Xubnaha ka ah DFS oo shir nooga furmi doono Magaalada Dhusamareeb” Ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.