Wararka

Waa kuma Robert Mugabe?

Madaxweynihii hore ee dalka, Robert Mugabe ayaa la shaaciyay in uu geeriyooday ka dib in muddo ah oo uu xanuun iyo da’ iskuugu tagtay waxaana uu dabiib caafimaad u joogay isbitaal ku yaalla dalka Singapore.

Madaxweynihii hore Zimbabwe ayaa geeriyooday isagoo jiro 95-sano waxanaana jagada madaxweyne laga afgambiyay sanadkii 2017 oo ay Militari dalkaasi kala wareegeen xukunka waxaana hogaanka la wareegay madaxweyne Emmirson Manangagwa.

Qaar kamid ah madaxda dalka Zimbabwe ayaa ka hadashay geerida Robert Mugabe waxaa ayna tilmaameen in uu ahaa madaxweyne hal-gamaa ah halka qaarna ay sheegeen in uusan dhiman balse uu nasiinno soo qaadanaayo.

War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu soo dhigay Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere, ayuu kaga hadlay geerida Mugabe,isagoo yiri”nabad ku naso Robert Mugabe.”

Robert Mogabe, wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi Taariikh weyn ku leh Dunida, inta badana lagu yaqiinay hadallo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah.

Mr; Mogaabe waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 Sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha Dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi,balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayay,taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro.

In madaxweyne Robert Mugabe xilka laga xayuubiya ayaa ka danbaysay kadib markii uu hoos u dhacay dhaqaalaha dalka Zimbabwe taas oo uu eedeeda dusha ugu tuuray wadamada reer galbeedka.

Waa kuma Robert Mugabe?

    mugabe,1980

Robert Mugabe, waxaa uu dhashay shay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waxaa uu ahaa shaqsi si aad ah ugu soo horjeeday afkaarta reer galbeedka waxaa uuna dhaleeceen jiray maamulka reer Galbeedka waxaana xabsi la dhigay sanadkii 1964.

Wuxuu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib kadib isagoo xabsiga kujiro ayaa waxaa Sannadkii 1973 loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

Sannadkii 1980 ayaa madaxweyne Robert Mugabe waxaa uu ku guulaystay kursiga madaxweynanimo xiligaas oo ay xuriyadda heshay Zimbabwe.

mugabe,1987.

Madaxweyne Mugabe ayaa sanadkii 1996 waxaa uu guursaday Grace Marufu waxaana jiray jiray doorashooyin guud oo laga qabtay dalka Zimbabwe, madaxweyne Robert Mugabe ayaana kaalinta labaad ka galay doorashadaasi sanadkii 2008 iyadoo ugu danbeyn ay xilka ka xayuubiyeen ciidamada Militariga dalkaasi sanadkii 2017 waxaana xiligaas xilka qabsaday  madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa.

mugabe iyo xaskiisa Grace Marufu arooskoodi.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close