Wararka

Waa kuma Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Hirshabeele Cali Guudlaawe ayaa loo doortay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeele 4 ta sano ee soo socota kadib doorasho maantay ka dhacday magaalada Jowhar.

Madaxweyne Cali Waxaa uu helay 86 cod isagoo ka guulaystay musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo helay 13 Cod tirada guud ee xildhibaanada codeeyey ayaa ah 99 xildhibaan.

“Waxaan madaxda dowladda dhexe uga mahadcelinayaa talooyinka wanaagsan oo ay ka geysteen geedi u socodka doorashada HirShabelle. Waxaan qirayaa in dowladda dhexe aysan wax faragelin ah ku sameynin doorashada dowlad goboleedka HirShabelle oo ay dhisteen ummadda degan dowlad goboleedka HirShabelle,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close