Wararka
UNDP oo gawaari guddoonsiisay Guddonka Golaha wakiilada Puntland.

Hay’adda UNDP ayaa maanta madaxda Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ku wareejisay gawaari gaarayso afar kuwaas oo ah nooca raaxada ee loo yaqaanno (Hilux) waxa ayna kamid yihiin Mashruucda Taageerada Baarlamaanka (Parliament Support Project) oo ay hay’addaani siiso Baarlamaanada dalka.
Kusimaha Madaxa Xafiiska Hay’adda UNDP Garoowe Md. Muuse Ducaale, ayaa furaha afartaan gawaari ku wareejiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame waxaana Goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Barlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.
Guddoomiyaha Barlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo saxiixay document-tiga caddeynaayay la wareegista gawaarida ayaa sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Puntland ay ka go’antahay fududeynta shaqada golaha wakiilada Puntland.