Wararka

UK oo xusaysa 75 sano guuradii ka soo wareegatay guushii uu Yurub ka gaaray xulafadii Naziyinta Jarmalka.

Boqorada Ingiriiska Elizabeth ayaa maanta oo jimca ah talifishinka dalkaasi qudbad ka siiin doonta shacabka UK. fariinta ay ay dirayso boqorada ayaa ku aadan xuska 75 sano guuradii ka soo wareegatay maalinkii ay ciidamada Yurub ka guulaysteen xulafadii Nazi yiinta Jarmalka.

munaasabadaan loogu dabaal daga guusha Yurub ee digaalkii ay kula jirtay Jarmalka ka soo howsay ayaa maqaam sare lagu xusi jiray balse hadda oo ay taagan tahay xaalada adeg ee xanuunka coronaviruska aawadiis ma suurta galin balse ciidamada cirka UK ayaa ka dul heebaabi doona afarta caasimadood ee Boqortooyada Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Boris Johnson ayaa lagu wadaa in uu fariin hawada u mariya shacab weynaha UK taas oo uu ku weynaynaayo 75 sano guuradaan waxaa uuna ku dhawaaqi doonaa maalma fasax dadweyne ah sida laga soo xigtay masuuliyiinta aqalka Boqortooyada Ingiriiska.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close