Wararka
UK oo Safiir cusub u soo u magacawday Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa Kate Foster u magacawday in ay noqoto safiirka UK ee Soomaaliya.
Kate oo heyasata abaalmarinta sare ee UK, OBE waxay mudo ka soo shaqeyneysay qeybo kala duwan oo ka mid ah xukumada waddankaasi gaar ahaan waaxda horumarinta caalamiga ah.
Mrs Kate waxay xilka la wareegi doontaa oo shaqdeeda ay rasmi u bilaabeysaa bisha Febraayo ee sanadkaan.
Waxay badaleysaa Mr Ben Fender oo ilaa 30 Janaayo 2019 ahaa safiirka UK ee Soomaaliya.