Wararka

tusmotv.so (XOG): MARAYKANKA OO WALAC KA MUUJIYAY XAALADAHA CAKIRAN EE DORASHADA SOOMAALIYA.

3/20/2021-MUQDISHO, SOOMAALIYA- “Maraykanka waxaa uu hoggaamiyaasha Soomaaliya faray in ay deg deg doorasha u qabtan”

Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter waxaa uu ka hadlay xaaladda is-mari wagga doorashada dalka.

Qoxhayaha ayaa Hoggaamiyaasha Siiyaasadda Soomaaliya ku booriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qabtaan doorasha loo dhanyahay.

“Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya. Madaxda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka. Hubaal la’aan sii socota waxay wiiqaysaa amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada”. Ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken.

Siyaasiyiin kala duwan ayaa ka aragti dhiibtay qoraalka ka soo baxay Xog-hayaha Arimaha Dibada Maraykanka.

Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu ugu jawaabay Antony Blinken ku sheegay in Dowlada Maraykanka looga fadhiyo in ay caddeyso waxyaabaha salka u ah khilaafka oo ay xal ka gaarto Caqabadaha tagan.

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumada Washington looga bahan yahay in ay dadaal ku bixiso halka Munaasibka ah oo ay saxda Meesha saxidda looga bahanyahay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close