Wararka
Turkiga oo xabsiga dhigay inkabadan 6,000 oo qaxooti iyo Muhaajiriin isugu Jirta.
Inkabadan 6,000 oo isugu jira muhaajiriin iyo qaxooti ku nool Caasimada Istanbul kuwaas oo aan haysan sharciga Qaxootiga ayaa labadii asbuuc ee ugu danbaysay xabsiyada dalkaas lagu xiray sida uu sheegay wasiirka arrimaha Guddaha dalkaasi Turkiga Suleyman Soylu.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgalkaan lagu soo xiray dadkaas uu soo bilawday 12-kii bishaan waxaa uuna sheegay in ay ilaa iyo hadda ay soo qabteen 6,122 ruux. Dadkaan ayaa isugu 2,600 oo Afganistaan ah iyo 1,000 Suuriyaan ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Qaxootiga Siiriyaanka ah ah ee aan haysan sharciga Qaxootinimo oo ay soo qabtaan ay u diraan Kaamam Qaxooti oo ku yaalo Gobalka Hatay oo xaduud la leh dalka Turkiga.
Suleyman Soylu ayaa ugu danbeyn sheegay in dowlada turkiga ay dib dalkooda ugu celisa muwaadiniinta Siiriyaanka ah ee iyaga Is Iskood ah u codsada in dib Siiriya ugu laabtaan.