Wararka

Turkiga oo helay qaybtii ugu horeeysay ee gantaalada difaaca S-400

Sida uu xaqiijiyay wasiirka difaaca dalka Turkiga waxaa maanta saldhig Militiri oo ku yaalla caasimada Ankara  gaaray Markabkii ugu horeeyay ee sida gantaalada difaaca ee loo yaqaano S-400.

Dowlada Turkiga ayaa Gantaaladaan S-400 kala soo wareegtay dowlada Ruushka iyadoo digniino kala kulmaysay dowlada Maraykanka.

Ficilkaan ayaa ka xanaaqin doona dowlada Maraykanka taas oo T urkiga ugu digtay in ay soo iibsato gantaaladaan.

Turkiga ayaa dalka Maraykanka ka saxiixday in uu kala soo wareego diyaaradaha dagaalka ee F-35 kuwaas oo tira ahaan gaarayo 100 balse Maraykanka ayaa sheegay in ay hakin doonaan heshiiskaas waa haddii uu Turkiga joojin waayo soo iibsashada gantaalada difaaca ee S-400.

Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga ayaa kawada tirsan ururka Nato hasayeeshe Turkiga ayaa xeriir dhaw la leh dowlada Ruushka taas oo Maraykanka galisay in uu muujiyo feejignaan dheeri ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close