Wararka

Turkiga oo cambaareeyay go’aan ay dowlada Maraykanka ku aqoonsatay in uu xasuuq ah dagaalkii Armenia.

Dowlada Turkiga ayaa si caro leh ugu falcelisay go’aan ay golaha sanat-ka Maraykanka ay maalinimadii khamiista ku aqoon sadeen dagaalkii ka dhacay Armenia in uu ahaa xasuuq ay geesteen Bortooyadii Ottomaniyiinta.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga ayaa sheegay in codkaasi ay golaha sanat-ka Maraykanka ku aqoonsadeen in dagaalkaasi uu ahaa xasuuq uu yahay bandhig siyaasadeed oo baraha bulshada loogu tiro galay.

Go’aankaan ayaa markale dab ka dhex dhaliyay xukuumadaha Ankara iyo Washington, DC iyadoo horay ay isku haysteen hubka gantaalada difaaca ee S-400 oo uu Turkiga kasoo iibsaday dowlada Ruush-ka.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in labada dalba ay dagaalkaasi kaga wada dhinteen gaysiyaal ay wada jeclaayeen waxaa uuna cambaareeyay go’ankaas oo uu ku tilmaamay in taarikhda ay u badalayaan siyaasad.

Dowlada Armenia ayaa sheegtay in dagaalkaasi oo dhacay intii u dhaxaysay 1915 iyo 1917 ay kaga dhinteen ilaa iyo 1.5 million oo ruux.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close