Wararka

Trump iyo Xaskiisa oo laga helay COVID19.

Fayraska safmarka ah ee corona ayaa haleelay madaxweynaha dalka Maraykanka ee Donald Trump isaga iyo waliba xaaskiisa Melania Trump.

Horal gaaban oo uu kusoo daabacay bartiisa Twitter ka ayu uku sheegay in isaga iyo xaaskiisa laga helay fayraska corona sidaasi awgeedna ay toddobaadyo ku karantil noqon doonaan goob gaar ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa lagu xantaa in uu ahaa shaqsi aan aaminsaneyn fayraskaani safmarka ah iyadoo mucaaradka dalkaasi Maraykankana ayba sheegeen in heerka uu hadda Maraykanka ka joogga corona ay keentay la tacaalid xumida madaxweyne Trump iyo in uu dhayalsaday fayraskaani.

“ Caawo aniga iyo Melania waxaa nalaga helay COVID19, waxaan bilaabi doonaa gooniyeelideynii dhaqsina waan ka soo kaban doonaa. Tanina dhamanteen waanu ka bixidoonaa” ayu uku yiri qoraalka uu kusoo qoray bartiisa Twitter ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close