Wararka
Tiro Burcad ah oo lagu soo qab qabtay dalka El Salvador.

Madaxweynaha El Salvador Nayib Bukele ayaa maalinimadii axada amar ku siiyay ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga in ay soo xir xiraan Burcad dhibaato ka waday dalkaasi.
El Salvador oo ah dalka ku yaallo Bartamaha Qaaradda America ayaa malinimadii Jimcaha waxaa laga soo wariyay 24 kiis oo dil ah, waana maalinkii ugu dhimashaha badneed tan iyo markii uu xilka Bishii June la wareegay madaxweyne Bukele.
Galinkii danbe ee Axadda ayaa mar kale ciidamada Booliska dalkaasi waxaa ay diwaan galiyeen 29 kiis oo dil ah taas oo kentay in madaxweyne Bukele uu soo roga talaabadaani adag.
Ciidanka Booliska ayaa Burcadda ay soo qabteen waxaa ay u taxaabeen xabsiyada El Salvador waxaa ayna u kooxa kooxeeyeen sida ay da’ahaan Iskula egyihiin.
Illaa iyo hadda Ciidamada El Salvador waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Burcad gaarayso 12,862 waxaa ayna wali wadaan howlgallada ay kusoo qab qabanayaan Burcadda.