Wararka
TikTok oo barteeda ka saartay muuqaal uu soo galiyay nin isagoo is dilaayo.
Shirkada TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa sheegtay in ay soo saarayso sharciyo cusub oo lagu joojinaayo dadka soo dhiga muuqaalada aan wanagsaneen ee loo isticmaalo aaladaasi.
Go’anka Shirkada ayaa kusoo aaday xili maalmihii ugu danbeeyay baraha Bulshada sida Facebook, Twitter iyo Instagram lagu faafiyay muuqaal nin isagoo is dilaayo uu soo galiyay barta Aalada TikTok.
Shirkadaani ayaa waxaa aad u isticmaallo dhalinyaro ku kale nool daafaha caalamka waxaana ay caan ku tahay muuqaalada lagu faafiyo.