Wararka
Taliyaha guutada 10-aad Qeybta 43 aad ee ciidanka xooga dalka iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Garbahaarey.
Taliyaha guutada 10-aad Qeybta 43 aad ee ciidanka xooga dalka G/sare Maxamed Cadoow Cali Sanka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, Taliyaha ayaa mudooyinkii uga dambeeyey waxaa uu socdaal ku marayey degmooyinka kale ee Gobolka gedo.
G/sare Maxamed Cadoow Cali Sanka ayaa intii uu socdaalkiisa ku jiray waxaa uu kormeer ku tagay xeriyaha ciidanka xooga dalka ay ku leeyihiin Gobolka Gedo si uu u ogaado xaaladaha kala duwan ee Ciidanka xooga dalka qeybtooda ku sugan Gedo.
uga dambeyn Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa loo gelbiyey Xarunta taliska guutada iyadoona halkaasi warbaahinta uu kula hadlay Abaanduulaha guutada 10-aad ee gobolka Gedo gaashaanle dhexe Cismaan Sh.cabdi Qurax.
Gaashaanle dhexe Cismaan Sh.cabdi Qurax ayaa warbaahinta la wadaagay howlgallo ay ciidanka xogga dalka bishii lasoo dhaafay kawadeen deeganada Gobolka Gedo waxaa uuna sheegay in howlgaladaasi ay guulla kasoo hoyeen.