Wararka

Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland oo digniin u diray Al-shabaab.

Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Sareeye guuto Aadan Maxamuud Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa digniin u diray Al-Shabaab isaga oo faray in ay isa soo dhiiban dadka ka tirsan Al-Shabaab ka hor inta aan dagaalada iyo hawlgalada lagu soo qaban.

Taliyaha ayaa sheegay in ay damaanad qaadayaan ammaanka cid walba oo isa soo dhiibta haddii ay isa soo dhiibaanna ay nolol ka badalan mida ay ku jiraana geli doonaan.

Taliyaha ayaa sheegay haddii fursadaha la siiyay ay ka faa’idaysan waayaan oo lagu soo qabto howlgalada oo socda la hor keeni doono sharciga lana marin doono ciqaabta ay muteystaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close