Wararka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Macalin Nuur.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa tacsi u diray Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxaeiistee Marxuum Maxamuud Macalin Nuur oo horay u soo qabtay xilka Wasiiru dowlaha Gaashandhigga ee Dowladii KMG.
Allaha u Marxuum Maxamuud Macalin Nuur ayaa shalay Galab ku geeriyooday Magaalada Muqdisho waxaana Snaxaeiistee idoo kale tacsi u diray dhamaan Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada iyo dableyda waxaa ayna Allah ugu baryeen inuu Janadii Fardowso kawaraabiyo Marxuumka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay.