Wararka

Taliyaha Ciidanka Xogga oo ku wajahan Dhuusa-Mareeb.

Wafdi Saraakiil ah oo uu hugaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ahna Xarunta Taliska 21-aad.

Wafdiga saraakiishan waxaa Qayb ka ah Taliyaha dhowaan loo soo magacaabey Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen: Bishaar Abshir geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad general Mascuud Maxamed warsame.

Taliyaha ciidanka Xoogga ayaa lafilayaa in uu kormeero xeryaha Ciidamada isagoo dhiiri galin u sameyn doona cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo lafilayo in dhowaan laga bilaabo deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close