Wararka
Taliyaha ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed oo dhagax dhigay xaruma cusub.

Taliyaha ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guute Odowaa Yusuf Raage oo ku jiro safar shaqo oo uu ku kormeeraayo xarumaha ciidamada xogga dalka ku leeyihiin dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal cusub oo lagu biirinayo xarumaha Taliska Qaybta 21-aad.
Gen Cabdi asiis Cabdullahi Cabdi Qooje, Taliyaha Qaybta 21-aad eeciidanka xogga dalka ayaa ka mahad celiyay dhismayaashaan cusub oo uu sheegay in ay wax weyn kusoo kor dhin doonaan ciidamada xogga dalka ee ku sugan galmudug.
Taliyaha ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guute Odowaa Yusuf Raag ayaa shacabka Soomaaliyeed ee hogga u yahay xarumihii hore ee ciidamada xogga ka codsaday in ay baneeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan madama uu sheegay in ay u soo tabaabusheyteen dayactirka xarumihii ciidamada xogga dalka si waajibaadka saran ugu guttaan.