Wararka
Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo boqday deegano hoos yimaado gobolka Shabeelada Hoose.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin IYO Saraakiil uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray deegaano dhawaan laga qabsaday Al- Shabaab oo ku yaallo gobolka Shabeelada Hoose waxaa ayna halkaasi kula kulmeen saraakiisha ciidanka xooga dalka ee ku sugan halkaasi.
Saaraakiisha ayaa booqashada ku tagay deeganada Afgooye,Sabiib iyo Caanoole, waxaa ayna safar kooda ku sheegeen in uu yahay mid ay ku dheera galiniyaan ciidamada ku sugan furumaha hore ee dagaalka.
“Waxaan booqanaya goobaha ciidamadu ay ku sugan yihiin,Afgooye,Sabiib iyo Caanoole,waxaan la kulanay saraakiil iyo shacabka deegaanadaasi,ujeedkaynu waa in aan dhiirogelin u sameyno howlgalada ciidamadu ay wadaan,waxbadan ayaan aragnay o isbedel ah,adeegyadii bulshada oo dib u soo laabanaya iyo nolosha oo caadi ah,kadib markii kooxaha argagixisada laga xoreeyay deeganadaasi”. Ayuu yiri taliye Sulub.