Wararka
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo gaaray Magaalada Balaweyne.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo mudo bil ku dhow kormeer shaqo ku marayay Xarumaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad ayaa gaaray Magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka hiiraan oo uu ku Yaalo Taliska Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad
Abaanduulaha Qaybta 27-aad General Saalax Yacquub ayaa wafdiga Taliyaha Xoogga oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General mascuud maxamed Warsame kusoo dhoweeyay Xerada lamagalaay ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku suganyihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga .
Saraakiil saraakiil xigeen iyo Dabley ka tirsan ururada guutada 5-aad ayuu taliyaha xoogga kula hadley xeradan oo booqashadiisani u aheyd Tii ugu horeysay ee mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa ku yimaado halkan .
Hadalka taliyaha xoogga oo ku qotomey waajibaadka adag ee laga rabo Ciidanka Xoogga ayuu ku tusaaleeyay Askartan da’daalka laga sugayo in ay u galaan Xoreenta Deegaanada ka maqan gacanta Dowlada iyo hab muuqaalka wanaagsan ee looga fadhiyo Askari walba oo qaadey masuuliyada qaranka gaar ahaan hab dhaqanka ciidannimo iyo xaq dhowrka bulshada amnigeeeeda masuulka laga yahay iyadoo laga fogaanayo tilaabo walba oo ka baxsan shuruucda ciidannimo.