Wararka
Taliyaha ciidamada AMISOM oo kulan la qaatay madaxa xukuumada Galmudug.
Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Madaxtooyada Galmudug kulan kula qaatay Saraakiil kasocota AMISOM oo uu Hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaaliya General Tigabu Yilma.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay labada dhinac kawada hadleen arimaha amaanka Deegaanada Galmudug gaar ahaan Deeganada ay gacanta kuhayaan Alshabaab.
Taliyaha ayaa maanta gaaray Magaalada dhuusa-mareeb isagoo sidoo kale kulan la qaatay wasiirka Amniga xukuumada federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha Amniga Galmudug.