Wararka
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo joojiyay shaqadii CID-da qayteeda fara-qaadidda.
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed oo kormeer uu ku tagay xarunta CID-da qeybteda faraha lagu qaado kadib ayaa hakad galiyay howshii kasocotay xarunta CID-da qaybteeda fara qaadida ilaa muddo sedax casho ah si loo helo deegaan ku haboon in dadweynaha loogu shaqeeyo.
S/gaas Cabdi Xasan Maxamed, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intii uu ku jiray shaqada kormeerka ah waxaa uu xog waraystay shacabkii halkaasi loogu shaqeynaayay waxaa ayna cabasha ka muujiyeen cariiri ka jiro howlka nasiinada.
Taliyaha ayaa ugu danbayn balan qaaday inuu mudadaa gaaban keenayo qalabka casriga ee data-da uuna dhisi doono hoolal waaweyn oo fadhi leh si loo yareeyo saxmada iyo ciriiriga meeshaasi ka jirto.
Sidoo kale Taliya ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakia Xussen oo war-qoraal ah barteeda Twetter-ka kusoo qortay ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in ay dul qaad muu jiyaan muddada ay ku howlan yihiin dib u dhisidda xaruntaas.
“Muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri Gen. Zakia Hussen.