Wararka

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Baay oo kulan la qaatay Gudoomiyasha Kaamamka ku yaala Magaalada Baydhabo.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Baay ayaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Waxa uu kulan Lagu Xaqiijinayo Amaanka Degmada Baydhabo kula Qaatay Gudoomiyasha Kaamamka ku yaala Magaalada Baydhabo Waxaana Kulanka inta uu Socday looga hadlay Sidii Loo Xoojin lahaa Amaanka loogana Hortagi lahaa Falalka lidka ku ah Shacabka Somaliyeed

Gaashanle Dhexe Amiin Maxamed Daruur, Taliyaha Booliska Gobolka Baay ayaa Gudoomiyaasha ku Booriyey Muhiimada ay leedahay kawada Shaqaynta Amniga Si loo Badbaadiyo Dhiiga iyo Maalka Shacabka Somaliyeed .

Shacabkii  kasoo qayb gashay kulanka  ayaa Tilmaamay Muhiimada Wada Shaqaynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka inay ka dhalankarto Amniga Degmada Baydhabo oo Xaqiijintiisa Lagu Guuleysta laiskuna Darsada Fikrado lagu Xoojin karo amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay , Amiin Maxamed Daruur ayaa Umahadceliyey Shacabka kasoo Qey galay kulanka Waxaana uu Sheegey inay Dardar gelin Doonan Kulamada Kala Gedisan ee ay la Qaadanayaan Qeybaha kala Duwan Bulshada.Image may contain: 1 person, crowd and outdoorImage may contain: 9 peopleImage may contain: 5 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close