Wararka
Taliska Ciidanka Asluubta oo soo bandhigay waxqabadka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda caddaalada, Guddomiyaha Maxkamada saree e ciidamada Qalabka Sida, taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay munasabada.
General Mahad Cabdiraxmaan Aadan taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si kooban ugu hadlay Waxqabadka ciidamada Asluubta.
Dhankiisa Wasiirka wasaaradda cadaaladda Cabdiqadir Maxamed Nuur Jamac ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed u muuqata waxqabadka ciidanka Asluubta isaga oo kula dar daarmay in ay laba jibaraan howlaha muhiimka ee ay shacabka u hayaan.