Wararka
Taliska AMISOM Oo Shaaciyay In Dabayaaqada Bishaan February Ay Ka Guuridoonaan Xaruuntii Hore Ee Kuliyada jaalle Siyaad.
Qoraal ka soo baxay Taliska Howlgalka Amisom Ayaa Lagu Shegay In dabaqaayada Bishan Febraayo ay ciidanka Amisom isaga baxayaan Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad,waxaana lagu wareejin doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Kulliyadda Jaalle Siyaad waxaa horey ugu sugnaa Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo halkaasi degganaa tan iyo sannadkii 2011-kii.
Go’aankaan Ayaa Waxa Ku Dhawaaqay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, kadib, markii isaga iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cali Xaggaa kormeer hubin ah ku tegaeen Kulliyadda Jaalle Siyaad Ee Magaalada Muqdisho.
Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay inay dayactireen Kulliyadda Jaalle Siyaad, isla markaana ay Ciiddanka Somalia ku wareejin doonaan qalab ay Ciiddanka Burundi halkaasi ugu tegi doonaan, lana dayactiray Ceel-biyoodka ku yaalla Kulliyaddaasi.