Wararka

Tababar lagu baranayo wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka oo ka furmay Baydhabo.

Waxaa maanta magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka furmay Tababar socon doono mudo saddex maalin ah waxaana ka qayb ahaan doona Booliska iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Isxaaq Baarow Isxaaq oo furay Tababarka ayaa sheegay in mudada uu socdo looga hadli doono sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Bulshada Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Booliska si ammaanka loo sugo.

Wuxuuna sheegay in tababarkan ay iska kaashadeen Hay’adda UNDP iyo Dowladda Jabaan oo qeyb weyn ka qaata taageerada Soomaaliya.

WAXAA tababarkan ka faa’ideysan doona, mudada saddexda maalin ah ee uu socdo qaar ka mid ah Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ee ka howlgala gobolada iyo degmooyinka Maamulka iyo Shacab ka kala yimid saddexda gobol uu ka kooban yahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn,tababarkan oo fulintiisa ay iska kaashanayaan Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa wada shaqeynta Booliska iyo Shacabka iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close