Wararka

Tababar Garowe ugu furmay laamaha Garsoorka dalka.

Waxaa maanta magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland tababar ugu furmay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan waxaana tababarka inta uu socda la qaadan doonaa cashara kusaab san hab cusub oo ay dowladda federaalka u bixin doonto warqadda dhaawac muujinta ee Rifeertada .

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo daahfuray kulanka ayaa ka hadlay warqadda dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha Booliiska inay saamayn wayn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa intaasi raaciyay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu gaystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Warqadaha dhaawac-muujinta(Rifeetooyinka), iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo, dhanka kale waxaa uu xusay ka dib tababarkaan in uu rajaynayo in uu wax badan ka badalo aqoonta iyo Xirfadaha Garsoorayaasha, Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan ee dalka.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xusay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay dhammaan xarumaha Booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badali karin, la koobiyayn karin, islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha.

Wuxuuna kula dardaarmay in looga baahanyahay Laamaha Garsoorka Puntland in ay noqdaan kuwo aamin ah,isla markaana ka madax bannaan qabyaaladda,eex iyo nin jeclaysi oo uu sheegay in ay tahay waxa dumiyay garsoorka dalka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close