Wararka

Suldaanka dalka Cummaan oo hambalyo ku aadan farxada maalmaha xuriyada u soo diray dowlada Somaaliya.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay Suldaanka dalka Cummaan Suldaan Qaabuus Binu Siciid hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada dalka.

Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in shacab iyo Dowladba Cummaan ay la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Suldaan Qaabuus Bin Siciid bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close