Wararka

Sudan oo Cumar Al-bashiir gacanta u gilinayso Maxkamada danbiyada Caalamiga.

Dowlada Sudan ayaa la sheegay in ay aqbashay dalabkii Maxkamada Danbiyada Caalamiga taas oo madaxweynihii hore ee dalkaasi Sudan Cumar Xassan Al-bashiir ku eedeysay in uu xasuuq ka gaystay Gobolka Darfur sida uu xaqiijiyay Masuul mid kamid ah Golaha sare ee Sudan maanta oo Talaada ah.

Maxkamada Caalamiga ee danbiyada ayaa Cumar Xassan Al-bashiir iyo seddex kamid ah masuuliyiintii lasoo shaqeeyay ku xukuntay in ay gaysteen Xasuuq iyo danbiya ka dhan ah aadanahay xili shaqaaqa dagaal ay ka dhaceen gobolka Waqiiyi ee Sudan sanadkii 2003-dii.

“Kuwa ay danbiyada kusoo eedeysay Maxakamada caalamiga ee dagaalada, waa in ay aadaan halkaasi.” waxaa sidaasi yiri Mohamed Hassan Al-Taishay, oo kamid ah golaha xukunka sare ee Sudan ee hadda tallada haayo.

Hay’adda Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ku dhawaad 300,000 oo ruux in lagu dilay sidoo kalena lagu barakiciyay in ka badan Million dad ah ilaa iyo intii uu dagaalka socday.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close