Wararka
Spain oo qafiifinayso bandawgii saarnaa shacabka dalkaasi.

Caruurta u dhalatay dalka Spain ayaa markii ugu horaysay dibada ula soo baxay waalidkooda muddo lix Isbuuc ah kadib xili dalkaasi uu saarnaa Bandaw kaas oo lagu xakamaynaayay faafida xanuunka corornaviruska.
Magaalada caasimada u ah dalkaasi Spain ee Madrid ayay caruurtaani yari kula dhex logeeyeen waalidkooda iyagoo ka faaideysanaayo qafiidida bandawgii saarnaa.
Wadamada ay kamidka yihiin Spain, Talyaaniga, Maraykanka iyo Faransiiska ayaa wado dadaalo lagu qafiifinaayo bandawga saran muwaadiniinta u dhalatay dalalkaasi kuwaas oo ku xayiran guryahooda.
Xaaladaha Coronavirus caalamka ayaa sii kor dhayso iyadoo ay hadda gaartay 2.9 million oo xaaladood waxaana laba jibaarmay dhimashada dadka uu galaafanaayo xanuunkaan oo hadda maraayo 203,000 ilaa iyo 10 kii bishaan April waxaa ayna badan kood u badan yihiin Qaarada yurub sida laga soo xigtay baaris ay samaysay wakaalada wararka ee AFP.