Wararka
South Africa oo mamnuuceysa Alcoholada markii labad si looga hortago xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Dowlada South Africa ayaa soo saartatay xayiraado horleh, oo ay ka mid tahay iibinta alcoholada, si loo xakameeyo faafifida xanuunka covid-19 oo uu dalkaasi la daaalaadhacayo.
South Africa ayaa waxa ay bandhow habeenkii ah ku rogtay magaaloyinka dlkaasi, iyo gafuur-xirka oo qasab laga dhigay kolka dadka ay dibada u soo baxayaan inta lagu jiro maalintii.
Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa ayaa yirri, mamnuucida alcoholada lasaaray gudaha dalkaasi inay noqonayso tii labaad, sanadkaanna waxaan kaga golleenahay inlagu cadaadiyo nidaamka caafimaadka qaranka.
Xayiraadaan ayaa ku soo aadeysa xilli kiisaska covid-19 dad uu soo ritay ay kor udhaafayaan rubac malyan.
Booliska iyo dhaqaatiirta ayaa waxa ay sheegeen in xariyaadii hore ee alcoholada in ay aad u yareysay dadka uu xanuunka soo ridayay, balse shirkadaha qamriga sameeya iyo qolyaha ka ganacsado ee dalkaasi South Africa ayaa cabashooyinka ka muujiyay in ganacsigoodii uu istaagay.