Wararka
Soomaliya oo ka Qeyb Galaysa Munaasabada Maalinta AFRICA OO KU BEEGAN 08/12/2019.

Danjiraha Dalka Soomaaliya u jooga dalka Kuwait Cabdillaahi Maxamed Odowaa oo la hadley warbaahinta ka hawlgasha dalka Kuwait ayaa ka hadlay halka ay Mareyso Qaban qaabada Munaasabada maalinta Africa oo ku beeggan 8/12/2019.
Shirkan Jaraa’id oo ka qabsoomey Hotel Crowne Plaza ayaa Gudidda Qaban-qaabadda munaasabadda ‘Maalinta Africa’ kaga war bixiyeen barnaamijyadda iyo wadamadda ka soo qaybgalaya munaasabaddan.
Cabdillaahi Maxamed Odowaa Danjiraha Soomaaliya u jooga Kuwait ayaa shegay in Soomaaliya ay Munaasabadaas kusoo Bandhigi doonto Waxyaabo ka Turjumaya Dhaqanka Soomaalida iyo Horumarka ay Soomaaliya Ku tilaabsanayso.
Dabaaldaga ‘Maalinta Africa’ oo ku beeggan 8/12/2019, waxaa larajeynayaa in dawladdaha Afrikaanka ah ee Safaaradaha ku leh Kuwait, oo tiradoodu soddon ka badantahay , ay soo bandhigaan dhaqankooda iyo horumarka kala duwan ee wadamadoodda ka socda.