Wararka
Soomaaliya oo uga mahadcelisay Qatar deeqdeeda agabka caafimaad ee looga hortagayo xanuunka Koroona feyrus.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Boqortooyada Qatar ugu mahadnaqday agabka caafimaad ee loogu talogalay kahortagga iyo xakamaynta xanuunka safmarka ah ee Karoona feyrus, oo ay dhawaan dalka soo gaarsiisay.
War-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibada dowlada federaalka aya lagu sheegay in kaal madaani ay cadeynayso xeriirka laba geesoodka ah ee labadaan dal ay leeyihiin waxaa ayna shaaciyeen In dowlada Qatar sii wadi doonta kaalmada.
Dowlada ayaa sheegtay in deeqdaan agabka caafimaad ee loogu talogalay kahortagga iyo xakamaynta xanuunka safmarka ah ee Karoona feyrus ay ka koobneed 10 tan oo shixnad ah loona kala diray Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kana koobnaa af-saabka (maaskaro), gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta leh iyo dareeraha gacmaha lagu nadiifsado.