Wararka

Soomaaliya oo sheegtay in ay duqeyn xagga Cirka ah ku dileyn xubin sare oo kamid ah Al-shabaab.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saxiibadooda Mareykanka ee Africom ay duqayn dhanka cirka ah ka fuliyeen degaanka Kunyo Barrow ee gobolka Shabellada hoose.

“Habeenkii ugu danbeeyay ee 5-tii bishaan Maarso 2020-ka, dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada howlgalka Maraykanka ee AFRICOM, waxaa ay fuliyeen howlgal Cirka ah, kaas oo lala bar-tilmaameedsaday Argagaxisada Al-shabaab ee kusugan deegaanka Kuunya Barroow ee Soomaaliya” ayaaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay dowlada federaalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in howlgalkaasi aysan cidna waxba ku nocon marka laga tago in ay sheegteen in ay duqeynta ku dileen horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dowlada Soomaaliya iyo Maraykanka duqeymo ka fuliyaan degaanka Kunyo Barrow ee gobolka Shabellada hoose waxaa ayna sheegtaan in aysan wax qasaara ah kasoo gaarin dadka shacabka ah.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close