Wararka

Soomaaliya oo sharuud ku xirtay wada hadalka Soomaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo Ayaan maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qeyb galay Shir-Madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Warbaahinta qodobbadii kasoo baxay Shirka ee khuseeyay dalkeenna.

Wasirka ayaa yiri “”Soomaaliya way oggolaaday dib u dajinta xiisadda, laakiin waxaan ku xirnay shuruud ah in guddi loo saaro arrimaha ay Soomaaliya ka tabaneysay. Arrimahaas qaarkood waan idinkala hadli karnaa qaarna waan ka gaabsan doonnaa – maadaama ay howshaasi wali socota – tan ugu culus uguna degdegta badan waxay ahayd mid ku saabsan jabhadda lagu soo abaabulay Kenya, sida aan annagu qabno, oo xuduudda dhinaceeda kale ku abaabulan, taasoo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro.”

Asaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Arrimaha kale ee ay Soomaaliya tabaneyso waa waxyaabo lagu xallin karo hadba sida ay u kala weyn yihii, nidaam diblomaasiyadeedna loo mari doono.”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close