Ciyaaraha
Soomaaliya oo markii ugu horaysay kamid noqotay isreebreebka Qaaradda Afrika ee koobka Aduunka sanadkaan.
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa markan qayb ka ah isreebreebka Qaaradda Afrika ee koobka Aduunka sanadka 2022-ka kaas oo lagu qaban doono dalka Qatar.
Hoos ka akhriso natiijada isku aadka isreebreebka Qaarada Africa Koobka Aduunka – Qatar 2022.
Waxa ay u muuqataa in xulalka doonaya in ay qaarada Africa u matalaan koobka adduunka 2022 ka ayna si fuduD u gaadhi doonin riyadaas.
54-xul ayaa ku tartami doona kaliya 5-boos oo ay kaga matali doonan qaarada Africa koobka adduunka waana inta ugu badan ee loo heli karo qaarada madaw si ay uga qayb ahaadaan xulalka adduunka tan ilaa koobkii adduunka ee 1989 waxa la soo saaray nidaam cusub oo si reeb reebka ah oo loogu soo bixi doono koobka adduunka 2022-ka Kas oo markii ugu horaysay la lagu qabanayo qaarada Asia.
wareega hore ayay ka qayb qaadan doonaan 26-ka xul ee ugu sareeya qiimaynta adduunka taas oo la macno ah in 28-ka xul ee soo hadhay ay ciyaari doonaan isreeb –reebka hordhaca ah taas oo ay dhici doonaan kulamo labo lugood ah.
14-ka xul ee soo badiya ayaa ku biiri doona 28-kii xul ee aan ciyaarin wareega hore taas oo ka dhigaysa xulalka 40 xul oo loo qaybin doono 10 Group oo uu Group walba ku jiro 10 xul ee kaalinta 1-aad ku dhamaystay Group-kooda.
wareegan ayaa socon doona muddo sanad ah kaas oo bilaami doona 23 bisha 3-aad ee sanadkan 2020 ilaa 12-ka bisha 10-aad ee 2021-ka. wareega 3-aad ee ugu dambeeya ayay isaga hor iman doonaan 10-xul oo laga doonayo 5-xul oo kaliya iyada oo la samayn doono isku aad lagu qiimayn doono qiimaha xulka ee adduunka.